0

Horyaalada yurub ayaa bilowday wakhti dhaw hadana waxa jira xiddigo waaweyn oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira.

Kaliya waxa la ciyaaray 5 marka laga reebo horyaalka Ligue 1 oo la ciyaaray 6 kulan laakiin durba waxa la diwaan galiyay goolal badan.

Wargayska MARCA ayaa soo bandhigay xiddigaha ilaa haatan ku lug lahaa goolasha ugu badan horyaalada waaweyn ee 5-ta horyaal ee ugu waaweyn.

  1. Karim Benzema (11)

Xiddiga 33 jirka ah ayaa qaab ciyaareed fiican ku bilowday xilli ciyaareedkan wxana uu lamaane cajiib la sameeyay xiddiga da’yarka ah ee Vinicius iyada oo uu Benzema dhaliyay 6 gool 5 kalena caawiye ka noqday kulamadii uu ciyaaray.

  1. Erling Haaland (10)

Xiddiga reer Norway ayaa xilli ciyaareedka ku bilowday sidii uu ku dhamaystay xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaliyay 7 gool sidoo kale caawiye ka noqday 3 xiddig kale.

  1. Robert Lewandowski (7)

Weeraryahanka Bayern munich ayaa dhanka goolasha la mid ah xiddiga Haaland isaga oo dhaliyay 7 gool laakiin wax caawin ah ma samayn ilaa haatan xilli ciyaareedka.

  1. Michail Antonio (7)

Waa xiddiga kaliya ee Premier League ku jira Liiskan isaga oo dhaliyay 4 gool sidoo kale caawiye ka noqday 3 kale 4 kulan oo premier League Ah.

  1. Kylian Mbappe (7)

Inkasta oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda PSG hadana Mbappe ayaa si fiican ku bilowday xilli ciyaareedka isaga oo dhaliyay 4 gool isla markaas caawiye ka noqday 3 kale.

Sii Akhriso: Daraasad Lagu Ogaaday Sir Cajiib Ah Oo Kordhisa Quruxda Gabadha In Ka Badan Waxyaabaha La Isku Qurxiyo, Xitaa Ragga Ayaa U Waaja Dumarka Sidaas Sameeya.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *