0

Kulamada is reeb-reebka koobka adduunka ee qaarada yurub ayaa si Rasmi ah u dhamaaday iyada oo haatan la ogaaday xulalka koobka adduunka ugu soo baxay kulamadii is reeb-reebka iyo xulalka haatan isku diyaarinaya kulamada kala baxa ah.

Xulalka ugu magac weyn qaarada yurub ayaa galaya kulamo is reeb-reeb ah si boos uga helaan koobka adduunka Qatar 2022 sanadka soo socda.

Xulalka haatanba yurub xaqiiqsaday booskooda wareega Group-yada koobka adduunka waxa ka mid ah Serbia, Spain, Switzerland, France, Belgium, Denmark, Croatia, England, Germany & Netherlands.

Hadaba Maxaa Xiga Xulalka Aan Wali U Soo Bixin koobka adduunka?

26 Bishan haatan lagu jiro xulalka kaalinta 2-aad kaga dhamaystay is reeb-reebka ayaa isaga hor iman doona booska ugu dambeeya ee koobka adduunka iyada oo ay fooda is dari doonaan xulalka Italy, Portugal, Sweden, Wales, Poland, Scotland, Russia, Turkey, Czech Republic, North Macedonia, Austria & Ukraine.

12-kaas xul ayaa ku dagaalamaya kaliya 3 boos maadama ay 10 xul haatanba si Rasmi ah ugu bexeen kobka adduunka.

Sidee Ayay 12-ka xul ku soo bexeen?

10-ka xul ee ku dhamaystay kaalinta 2-aad ee kala saraynta is reeb-reebka waxa ku biiraya labadii xul ee natiijooyinka fiican ka helay tartanka UEFA Nations League kuwaas oo kala ah Austria & Czech Republic.

Arintan ayaa la macno ah in laba kulan la ciyaari doono si ay xulalku u soo baxaan Semi-final iyo Final si loo helo 3 xul oo aada Qatar.

Xiddigeheed ka soo muuqan doona kulamada kala baxa?

Cristiano Ronaldo, Robert Lewandowski, Zlatan Ibrahimovic, Gareth Bale, David Alaba & Federico Chiesa ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican ee uu carabku qaban karo kuwaas oo ka soo muuqan doona kulamada kala baxa ee koobka adduunka.

Labada xul ee ugu weyn waliba lama filaanka kugu noqon karto in ay ku jiraan kala baxa ayaa ah xulalka Italy iyo Portugal kuwaas oo fashilmay in ay guul gaadhaan kulankoodii ugu dambeeyay ee is reeb-eebka.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *