Wariye Ka Waramay Maalintii Uu Joojiyay Cunista Jaadka


Spread the love
Waxan Qirayaa Oo Cadaynteediina Hayaa Inaan Faa.iido

Markii Jaad Cunista
Joojinteeda Alle Igu Garab Galay Waxa Kasoo Wareegtay 8 Sano Iyo Bilo Waxaanay
Taariikdu Aheyd 28.01.2015.

Muuqaalka Sawiradani
Waa 14.08.2013 Maalin Aan Kaligay Geed Hoostii Ku Qayilay Oo Ku Mirqaamay
Geedkaas Oo Kuyaala Inta Udhaxaysa Tuulooyinka Karsharka Iyo Qoyta Ee Jidka
Isku Xidha Berbera Iyo Burco.

Sidaad Arkaysaa
Dacsadihii Gaadhiga Ayaan Gogol Ahaan U Isticmaalay Oo Ku Fadhiistay Waxaana
Sababayay Tixgalinta Iyo Xiise Aan Jaad Cunista Uqabay Xiligaas Hadana Iigama
Duwana Xashiishka La Qubo Ilaahay Ayaan Ugu Mahad Naqayaa Inuu Iga Madoobeeyay
Balwad Aan Mudo Soo Isticmaalayay Oo Aan Faa.iido Lahayn Khasaare Mooyaane.

Jaadku Wuxu Keeenaa
Caafimaad Daro Iyo Shilinkaad Xoogsatay Oo Aad Gubto.Wakhtigaad  Cibadaysan Lahayd Aad Ka Wahsato Iyo
Dantaadii Aad Ka Caajisto. Allahu Akbar.

Waxan Qirayaa Oo
Cadaynteediina Hayaa Inaan Faa.iido Aduun Iyo Mid Aakhiroba Ka Gaadhay
Joojintii Jaadka.

Waxan Caawa Halkan
Uga Ducaynayaa Saaxiibadaydii Aanu Wada Qayil Jirnay Ee Ilaa Hada Fadhiya In
Ilaahay Uga Nimceeyo Kuna Ilhaamiyo Inay Iska Joojiyaan Geedkaa Hawsha Bada.

Waxa Jira Waayo Badan
Jaadku Ila Soo Maray Aan Doonayo Inaan Qoraalo Iyo Qormooyin Ka Sameeyo Hadii
Alle Yidhaa.

Sawiradan Waxan Ka
Helay Hard Desk Aan Waagaas Ku Shaqayn Jiray.

Mohamed Abdillah
Soofadhiiste

Berbera Somaliland.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments