Wasiirada Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa tiri “Isbitaalkan waa midka keliya ee caasimada ee lagu bilaabay in lagu daaweeyo dadkii uu soo ritay xanuunka COVID-ka, laakiin kaddib waxaa jiray isbitaalo kale oo na kaalmeeyay”.
“Sidaasi daraadeed hal oxygen oo dad gaar ah ay leeyihiin ayaa ka jirtay magaalada Muqdishu, waxaana dhib weyn aheyd in dadka loo helo oxgygen, dhibaatadaasi awgeed Wasaarada Caafimaadka, Midowga Yurub iyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka shaqeeyay in macaawinadii ugu horreysay la geliyo warshadda maanta la daah-furay”, ayey tiri.
Shalay wasiirada caafimaadka ee dowladda Dr. Fawziya Abikar Nuur oo ay wehelinayaan madax sare oo ka socotay hay’adda IOM ee Soomaaliya, ayaa isbitaalka magaalada Dhuusamareeb ku daah-furay warshadda dhalisa oxygen-ta.
Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]