Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay Natiijada Imtixaanka shahaadiga Fasalka 12-aad


Spread the love
Talaado, Agoosto, 16, 2022 (HOL) – Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta si rasmi ah u shaacisay natiijada Imtixaanka Shahaadiga dugsiyada sare fasalka 12-aad ee sanad dugsiyeedka 2021/2022.Imtixaanka dugsiyada sare ayay Wasaaradda Waxbarashada horay ugu diiwaan galisay iney galayaan arday tiradoodu dhan tahay 34,469 arday, hayeeshee Imtixaanka ay u fariisteen 33,468 arday, taasoo keentay in 1,001 ardayna aysan u suurta galin iney u fariistaan Imtixaanka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka fasalka 12-aad.

Wasaaradda Waxbrashada oo goordhaw ku dhawaaqday natiijada Imtixaanka ayaa sheegtay in tirada ku baastay imtixaanka guud ee shahaadiga ee fasalka 12-aad sanad dugsiyeedkii tagay ay tahay 32,325 arday oo u dhiganta boqolkiiba 97%, islamarkaana tirada Imtixaanka ku dhacday ay tahay 1,143 arday oo u dhiganta boqolkiiba 3%.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa sidoo kale soo bandhigtay magacyada 10-ka arday ee sanadkaan ugu sarreeya Imtixaanka Shahaadiga ah ee Xukuumaddu qaadday, waxaana 6 ka mid ah ay noqdeen ardayda Imtixaanka ku gashay gobolka Banaadir, halka maamul goboleedyada kala ah Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug min hal arday ay uga mid noqdeen 10-ka arday ee ugu sareeysa natiijada Imxtixaanka fasal 12-aad.

Ardayda sanadkaan ku dhacday Imtixaanka ayaa tirada ugu badan waxay noqdeen ardayda ku sugan gobolka Banaadir kuwaas oo tiradoodu noqotay 1,100, halka maamul goboleedyada kala ah Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug wadarta ardayda Imtixaamnka ku dhacday ay noqdeen 43 arday kaliya.


Like it? Share with your friends!