0

Covid toe

Xigashada Sawirka, Chris Curry/Getty

Saynisyahannada ayaa aaminsan inay sharraxaad ka bixin karaan sababta ay dadka qaar ee uu ku dhacay Covid ay isku arkaan xaalad barar suulka ah ama xitaa faraha.

Xaaladdan oo loogu magac daray Covid-ka suulka ayaa u muuqata mid ka dhalatay jirka oo difaac galaya si uu ula dagaallamo fayraska.

Baarayaasha ayaa sheegay inay farta ku fiiqeen hannaanka difaaca ee u muuqda inuu ku lug leeyahay xaaladdan.

Natiijada baaritaankan, oo lagu daabacay wargeyska arrimaha maqaarka ee Britain ka soo baxa ayaa wax ka tari karta in la helo daaweyn yareyn karta calaamadaha xaaladdan.

Waa maxay Covid-ka suulka?

Waxay ku dhici kartaa qof walba da’da uu doonaba ha ahaadee, balse waxay inta badan saameysaa carruurta iyo da’ yarta.

Dadka qaar, ma dareemaan xanuun, balse mararka qaar finanka ka soo baxa suulasha waxay noqon karaan kuwo sababa cun cun daran iyo barar.

Sofia, oo 13 jir ah kana soo jeedda Clackmannanshire oo ku taalla Scotland, ayaa waxaa dhibayay socodka ama xirashada kabaha marka ay horraantii sanadkan isku aragtay xaaladdan.

Waxay BBC-da u sheegtay inay isticmaali jirtay kursiga dadka naafada ah marka ay dooneyso inay socod dheer gasho.

Jirka qeybta ay xaaladdan saameysay – oo caadiyan suulasha ah, balse mararka qaar xitaa faraha – ayaa u muuqan kara kuwo guduudan. Dadka qaar waxaa ka soo baxa finan xanuun badan.

Dadka qaar muddo bilooyin ah ayay xaaladdan ku jiraan, halka kuwo kalena ay toddobaad uun isku arkaan.

Aaalaaba dadkan ma isku arkaan calaamadaha kale ee Covid lagu yaqaanno, sida qufac saa’id ah, qandho iyo urta amaba dhadhanka oo qofka ka taga.

Maxaa sababa?

Daraasaddii ugu dambeysay ee laga sameeyay, taas oo lagu saleeyay dhiigga iyo maqaarka, ayaa lagu ogaaday in labada qeybood ee difaaca jirka ay ku lug leeyihiin xaaladdan.

Labadan qeybood ayaa ka qeyb qaata hannaanka uu jirku isaga difaaco coronavirus.

Midkood waa borotiin lagu magacaabo nooca 1 interferon, kan kalena waa nooc si aan ku talo gal ahayn u weerara unugyada iyo xiidmaha qofka, ee aan weerarin keliya fayraska.

Xiidmaha ay maraan dhuumaha yaryar ee dhiigga siiya meesha jirka ka midka ah ee ay xaaladdan saameysay ayaa sidoo kale qeyb ka ah, sida ay sheegeen baarayaasha Jaamacadda Paris, ee Faransiiska.

Baarayaasha ayaa sanadkii hore tijaabo ku sameeyay 50 qof oo ay saameysay xaaladdan Covid-ka suulka, iyo 13 kale oo la kulmay xaaladdan oo kale oo aan la xiriirin Covid, maaddaama ay qabsatya xaaladdan kahor inta uusan xanuunka safmarka ah bilaaban.

Waxay rajeynayaan in natiijada baaritaankan ay bukaannada iyo dhaqaatiirtuba ka caawin karto inay si wanaagsan u fahmaan xaaladan.

Balse dadka qaar ayaa la sheegay inay u baahnaan doonaan kareemo iyo dawooyin lagula tacaalo xaaladdan.

“Xaqiijinta waxa sababay waxay gacan ka geysan doontaa soo saaridda daaweyn cusub oo lagula tacaalo,” ayuu yiri mid ka mid ah baarayaasha.

Dr Veronique Bataille, oo ah la taliye dhanka xanuunnada maqaarka ah iyo afhayeenka Ururka Maqaarka ee Britain ayaa sheegtay in Covid-ka suulka inta badan la arki jiray maalmihii uu soo bilaabanayay xanuunka safmarka ah, balse haatan oo uu socdo nooca Delta aan aad loo arkin.

Waxaa laga yaabaa inay taas sabab u tahay dadka badan ee laga tallaalay Covid.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *