Waxaan Olole Ugu Jiraa Sidii Somaliland uyeelan Lahayd Xeer Caafimaad


Spread the love

Xil-Jamaal Cali

 
Waxaan Shacabka la
wadaagayaa in aan Olole wayn ugu jiro siina labadan laabi doono in Somaliland
yeelato Xeerka Caafimaadka( Somaliland Health Act).

Waxaan iyo aad uga
xumahay Qofkasta oo Muwaadin ah oo u geeriyooday,u naafoobay xirfad xumada ama
si,uun dhibane ugu ah adeeg la,aanta caafimaad,iyo dayaca wayn ee Caafimaadkii ummada ee dalku ku jira oo
maanta meeshii ugu xumayd maraya.

Waxaa ayaan daro ah in
Somaliland 33 Xumuumadihii iyo Baarlamaanadii kala dambeeyay in ay  ku guul daraysteen in lagaadhsiiyo shacabka
adeeg caafimaad oo  laysku halayn karo
lana sameeyo xeerka Caafimaadka( Somaliland Health Act) waa wax aan sinaba loo
aqbali karin.

Dhibka xanuun ka daran
leh ee gaadhay Ahmed Cigaal iyo inta kale ee warkooda uu Muniir Ahmed Cigaal
sheegay waa dhacdooyin Somaliland maalinle ka noqday oo qofkasta oo Somaliland
jooga oo  dhegtiisu u furan tahay waxa
dalka ka jira ma noqonayso wax ku cusub. Waxaynu ogayn Dhacdadii Hospital-ka
Gabiley ee ku dhacday Jamiila Xuseen Muuse, Ayaan Yuusuf daahir oo u  geeriyootay la,aanta irbad dhiigjoojin ah,iyo
kumanaan kale oo qaar ka mid ah aan warkoodu ina soo gaadhin oo maalin walba la
kulma dayac iyo daryeel,laan dowladnimo waa wax uu diidayo qofkasta oo damiir
nool iyo dadnimo in uun ku jirto, midkasta oo aan dan ka lahaynina waxaa laga
yaabaa in uu dafiro oo isdiidsiiyo masiibada runta ah ee horteena taal ee ay
tahay in aynu xal ka gaadhno.

Ugu dambayn ka
Xildhiibaan ahaan waxaan beryahan ku jiray ka shaqaynta In la curiyo Xeerka
Caafimaad Somaliland. Haddii rabi idmo Dhawaana baahida Xeerku meesha way ka
baxaysaa waxaana iman isla xisaabtan Adeeg bixin iyo xuquuqiba ay ka dhalato.

Xil-Jamaal Cali


Like it? Share with your friends!