0

Daafacii hore ee kooxda Arsenal ee William Gallas ayaala yaabay go’aankii ay kula soo saxiixatay Ben White inkasta oo uu Raphale Varane diyaar ahaa suuqii xagaaga.

Kabtankii hore ee Gunners ayaa aaminsan in uu farqi weyn u dhexeeyo labada xiddig waliba ay Arsenal bixisay lacag ka badan midka ay Man United ka soo bixisay Varane.

Gallas ayaa sheegay in uu White u baahanyahay in uu is muujiyo si uu u gaadho heerka Varane oo ku biiray Man United suuqii xagaaga.

“Aniga way igu adagtahay in aan fahmo sababta ay Arsenal uga soo bixisay lacag 50 milyan oo euro kaas oo aan wali isku muujin in uu yahay daafac sare, isla markaas United ayaa 40 milyan oo euro kula soo wareegtay Raphael Varane oo ku guulaystay 4 champions League iyo Koob adduun”ayuu Gallas Yidhi.

“Waxa uu ku guulaystay La Liga, waa in aad ii sharaxdo sababta ay Arsenal ugu dhaqaaqday White inkasta oo la heli karay Varane”.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl: Hadalo Macaan Oo Aad U Diri Kartid Qof Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *