Xaabadii Horaa Xamilkeed Cuslaaye,Xansas Iigu Dara,Xaalkeeni Noqoy.


Spread the love
W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B],

 

TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHA.

 

 

 

XADHIG IYO XABADI,XAL MIYAY NOQDEEN,

 

XEERKE FASAXAY,DADAN XUKUNBA MARIN,

 

XABSI INAY GALAAN,XABAALBU KU DHACAY,

 

XEERARKA IYO DISTOOR,XAQII ADMI DHIMAY,

 

XAGAL DAACISOO,XABAALBU KU DHACAY,

 

ISXISAABINYO XISHOOD LAGA DHAQAAQA,

 

XIGMAD QARANIMIYO,XUKUN DAWLADNIMO,

 

XOOGBA BEDELAY,XAAJO WEEYAAN UGUB,

 

XADHIG WUXU DHALA,XUMANTIYO NACAYB,

 

XULUFAYSIGIYO,XAAFAD XAAFADAYN,

 

XERYO OODAN IYO,XABSI GUUD KA FURAN,

 

XEER DADAAN XUMAYN,MAXAA LOO XIDHA

 

XORNIMAY DHASHEEN,XABSI LOOMA QORIN,

 

XANAAQIYO CADHAAD,XAASILKOODU NOQON,

 

XISBIYADAN JIRAA,XURMAY MUDAN YAHIINE,

 

XIDHOO FURA DAR KALE,WAYSKA XAAL ABUUR,

 

XAABADAN HORAA,XAMILKEED CUSLAAYE,

 

XANSAS IIGU DARA,WEEYAAN XAAJADEEN,

 

            W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.


Like it? Share with your friends!