Xaafada Sheekh Nuur (Kilalka) Xaafad Ka Aradan Adeegyada Dawladu Bixiso


Spread the love
W:Q: Aqoonyahan Abdirahman Mohamed

Halkani waa xaafada
Sheekh Nuur (kilalka). Waa xaafad aan odhan karo waa nambar kaw  ama laba xaafadaha ugu dadka badan
degmooyinka caasimada guud ahaan iyo degmada ay ku taal oo Gacan Libaax iyo
Macalin Haaruun labadaba gasha gaar ahaan.

 Baaxada xaafadani waxaan ku cadaynayaa waa
xaafada kaliya ee ay 4 bas usoo baxaan iyo mid iyada kasii dhex baxa oo taga
xaafada Magaalo Jimcaale ee buuraha Hargaysi ku caanka tahay ee Naasa Hablood u
dhaw.

4 taa bas ee aan soo
sheegay 2 suuqa hoose ayay kasoo baxaan 2 na xaafada Idaacada ayay kasoo
baxaan.

Taasi waxay cadayn
buuxda u tahay baaxada dhuleed iyo bulsho ee xaafada.

Xaafadani gabi
ahaanba waa xaafad ka aradan adeegyada aas aasiga ah nolosha ee dawladi bixiso.

Waa ta koobaade biyo
la’aanta. Taasna kama cawdaanoo Hargeisadaa kale ee bilaa biyaha ah uunbay
laqabaan.

Waa talabaade xaafada
bulshada intaa leeg ku nooshahay  hal
dugsi primary ah ayay leedahay Secondaryna haba sheegin oo ardayda xaafadu
waxay buux dhaafiyeen iskuulada Gacan Libaah, Biyo Dhacay iyo 26 June waa
dugsiyada dawliga ah xaga private kana iskuulada kale.

Ta saddexaad waa
waddo iyo Biriish. Xaafadani waxaa halka laga galo kuyaala doox wayn oo muddo
hore biriish yar oo aad loogu danqabay ku yaalay. Biriishkaasina wuu aasmay
kadib markii uu wax daryeela ka waayay bulshada degen iyo dawlada Hoose
labadoodaba.

Afartii sanee u
dambeeyay bulshada iyo gaadiidkuba dhibaato aad u wayn ayay ku qabaan markasta
oo roob da’o oo dooxaasi soo rogmadaba. Waxaanay ku qaadadataa gaadiidka iyo
dadka lugaynayaba inay saacado dul taagnaadaan inta biyaha Dooxa maraya ay
yaraanayaan.

Hadaba waxba yaanan
hadal idinku daaline maayar Cabdi kariin Ahmed Mooge halkii uu kusoo
gabagabeeyay ololihiisii doorashada xaafadan iyada ah ayay ahayd taasoo ku
tusaysa ahmiyadeeda codeed iyo baahideeda oo uu aad markaa uga garaabay.

Waxaana uu markaa
maayarku balan qaaday inuu wadadaa iyo biriishkaba waxqabadka koobaad ka dhigan
doono.

Ma dhaliilayo
waxqabadka maayarka iyo golihiisaba oo si fiicanbay u shaqaynayaan laakiin
waxaan dareemayaa ahmiyad siin la’aan iyo mudnaan siin la’aanta waddo
gabigeeduba 2.5 KM ah xaga idaacada iyo ta xaga suuqa oon iyana 3.5 KM ah.

Waxaan arkaa maalinkasta
waddo ay dawladda Hoose waddo ama dhamaysay oo ay 95% ka muhiimsantahay wadada
xaafadani.

Waxaanan is idhaa
talaw goorma wadadan iyo biriishkan iyana loosoo jeedsan.

Guntii iyo
gunaanadkii xaafadda lafteeda waxa ishaa u yeelay waa guddi xummo iyo maamul
aan himilo iyo hiigsi midna lahayn kuwaasi oo aan u hagar bixin mataalada
xaafada iyo waliba soo badhigida baahida xaafada madalaha lagu gorfeeyo
qorshaynta iyo horurmarinta xaafadaha ee xaga dawlada.

Waxaan ugu baaqayaa
dawladda Hoose inaanay xaafadu intaa inkabadan u dul qaadan karin isha ka
lalinta iyo dayacaada xaafadan ka jirta intan in kabadan.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments