Xabsigu Xornimu Dhalaaye,Xaqaaga Haddii Aad Weydo,Xamilo Xadhiga U Adkayso.


Spread the love

Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim {A.S.Cw.R.W.B}

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

 

 
Xaawalay Dawladii Xidha,
 
Xabaasheday Qodonaysa,

 
Xilkedi Tenanu Dhamaday,
 
Xanaaqu Ka Soo Horeeyo,

 
Xishoodkii Uu Ka Guuray,
 
Xaaraanti Xalaal U Tahay,

 
Xumaantu Wanaag U Tahay,
 
Xarbaa Galayoo Ma Noola,

 
Xisaabi Hadday Timaadba,
 
Xaggeeba Lagu Hagaagi,

 
Xaalkodu Marku Sidayay,
 
Xayraaniyo Ila Dagaalan,

 
Xidhiyo Xabadiyo Rasaas,
 
Xornimo Waa Hooyadoda,

 
Xalkawgu Danbeya Weeye,
 
Xaqiyo Baadil Kala Xadeye,

 
Xarago Xadhigeeda Hayso,
 
Xilkaga Xor Adigo Ah Gudo,

 
Xisaabta Allaheen Xasuuso,
 
Xaqdhawr Sharafo Ha Xorin,

 
Ismail Abdillahi
Handuleh.


Like it? Share with your friends!