
Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku leh Caasimada Garoowe, waxaa looga yeeray Xafiiska Hanti-dhawrka guud ee maamulkaas, si loola xisaabtamo.
Waxaa la filayaa in xafiiska uu Xildhibaannada Puntland ugu warbixiyo shaqadiisa, iyadoo Baarlamaanka Puntland uu maalmahaani ku mashquulsan yahay la-xisaabtanka xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Sidoo kale, xafiiska Hanti-dhawrka waxaa su’aalo laga weydiin doonaa shaqada uu u hayo shacabka Puntland.