Xagguu u socdaa Cristiano Ronaldo?


Spread the love

Xigashada Sawirka, Getty ImagesSaacad ka horXiddigga kubbadda cagta ee Cristiano Ronaldo ayaa ka tegay kooxda Manchester United, ka dib waraysigii uu bixiyay todobaadkii hore ee uu kaga hadlay arrimo xasaasi ah.Waraysigaas oo uu Ronaldo ku dhaliilay tababare Erik ten Hag, milkiilayaasha naadiga iyo weliba laaciibiin hore oo ay ka mid yihiin Gary Neville iyo Wayne Rooney ayaa waxa uu soo dedejiyay in maamulka Man United ay go’aan ka gaaraan laaciibkan ka midka ah kuwa ugu magaca dheer kubbadda cagta.Qaar ka mid ah warbaahinta Ingiriiska ayaa ku warrantay in maamulka naadiga uu mar ku fekeray inuu cayriyo Ronaldo, ka dib na uu maxkamad la tiigsado arrimaha uu waraysiga ku sheegay awgood.Ronaldo oo August 2021 ku soo noqday Manchester United ayaa wadar ahaan u dhaliyay 145 gool 346 kulan oo uu u saftay.  Waxa uu ka mid yahay xulka Bortaqiiska ku matalaya Koobka Adduunka ee ka socda Qatar.Daaficii hore ee Manchester United, Rio Ferdinand ayaa sheegay in go’aanka uu dan u yahay kooxda iyo Ronaldo qudhiisa.“Waxaa iska cad in Cristiano uu waraysigaa bixiyay si uu u muujiyo dhibaatada uu ku qabo kooxda, waxaana uu doonayay inuu ka tago. Dhinaca kale, waxay ila tahay in Erik Ten Hag uu helay wixii uu doonayay. Marka labada dhinacba waa ay ku faraxsan yihiin go’aanka,” ayuu BBC-da u sheegay Ferdinand.Xigashada Sawirka, PA MediaRonaldo ayaa sida muuqata ka carooday qaabka uu ula dhaqmay tababaraha cusub ee Manchester United oo kulamo dhowr ah uga tegay kursiga keydka.Haddaba maadaama uu Ronaldo yahay laacib aan haysan koox uu u ciyaaro, muxuu noqon karaa mustaqbalkiisa kubbadda cagta?Wareysigii uu dhawaan bixiyay waxa uu ku sheegay in uu ciyaaraha ka fariisan doono haddii uu ku guuleysto Koobka Adduunka. Dabcan waxa uu heystaa fursad uu riyadaas ku rumeyn karo, haddana waxa uu hoggaan u yahay xulkiisa qaranka oo Qadar uga qeyb galaya tartanka Koobka Adduunka ee 2022.Laakiin hadalkaas waxa ay dad badan u fasirteen kaftan, waxaana la aaminsan yahay in Ronaldo ay weli u dhiman tahay ciyaar.Xigashada Sawirka, Getty ImagesDhowr koox ayaa la saadaalinayaa inay doonayaan laaciibkan goolasha ugu badan ka dhaliyay kubbadda cagta adduunka. Waxaa kamid ah:Kooxdan ka dhisan Jarmalka ayaa la saadaalinayaa inay kamid tahay kooxaha waaweyn ee ka faa’iideysan kara Cristiano Ronaldo.Waxaa xilli ciyaareedkan ka tegay Robert Lewandowski oo aan booskiisa weerarka si wanaagsan loo buuxin. In kooxdan caalamiga ah uu u safto ayaa fursad muhiim u ah laacibkan 37 jirka ah ee Bortaqiiska u dhashay. Waxaa sidoo kale la saadaaliyay in Ronaldo uu ku laaban karo horyaalka Serie A, waxaana loo badinayaa in kooxda Napoli ay fursad wanaagsan u tahay weeraryahankan.Napoli ayaa hoggaaminaysa horyaalka Talyaaniga ee xilli ciyaareedkan, waxaana wacadaro ay ka dhigtay tartanka Champions League ee loo gudbay wareegga 16-ka.Ronald ayaa horay ugu ciyaaray kooxda Juventus ee magaca weyn ku leh kubadda cagta Yurub.Kooxdan ka dhisan Ingiriiska ayaa kamid ah kuwa la saadaalinayo inuu ku biiri karo Ronaldo. Waa naadi taariikh leh, balse ciyaarihii u dambeeyay uu xaalku ku xumaa.Sidaa oo ay tahayna, ku biiridda Chelesea ayaa Ronald u noqon karta fursad uu kaga sii ciyaaro Champions League-ga.Xigashada Sawirka, PA MediaMarka laga soo tago kooxaha Yurub, Cristiano Ronaldo ayaa u wareegi kara dhanka Maraykanka iyo horyaalka kubadda cagta ee Major League Soccer (MLS).Waxaa jiray warar soo baxay oo sheegaya in Ronaldo uu ku biiri doono kooxda Inter Miami ee uu leeyahay laacibkii hore ee Manchester United, David Beckham. Taas waxaa sii dheer hadal-heyn kale oo ku saabsan in xiddiggan uu u jiheysan karo dhinaca Sacuudiga oo la xasuusto in xagaagii lasoo dhaafay looga gacan haatinayay, sida ay shaaciyeen warbaahin badan.


Like it? Share with your friends!