0

Kooxda chelsea ayaa xasuuqday kooxda Norwich City kulan ka tirsan premier League kana dhacay garoonka Stamford Bridge.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Callum Hudson-Odoi, Reece James, Ben Chilwell iyo Mason Mount ayaa chelsea ka caawisay in ay gaadhaan guul weyn oo horyaalka ah.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka:

Markan waa markii 4-aad ee taariikhda premier League ee chelsea ay 3 xiddig oo kala duwan oo England u dhashay gool u dhaliyeen iyo markii ugu horaysay ee ay dhamaan saddexdoodu gool dhaliyeen 45-ka daqiiqo ee uu horeeya.

Chelsea ayay gool u dhaliyeen 14 xiddig oo kala duwan 9-kii kulan ee ugu horeeyay premier League waana wakhtigii ugu dhakhsaha badanaa ee ay koox xiddigahaas badan gool u dhaliyeen horyaalka.

Mason Mount ayaa ah xiddigii 16-aad ee chelsea gool u dhaliya tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan waxana ay kaga fiicantahay dhamaan kooxaha kale ee horyaalka.

Xiddiga Mason Mount ayaa ah xiddigii 20-aad ee premier League saddexley u dhaliya Chelsea kaliya Arsenal oo ay 21 xiddig u dhaliyeen saddexley ayaa ka badan.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *