0

Xidhiidhka FA-ga dalka England ayaa qarka u saaran in ay shaqada ka caydhiyaan tababaraha xulka ee Gareth Southgate sida ay sheegayaan wararku.

Tababare Gareth Southgate ayaa shaqo fiican ka qabtay xulka qaranka Sanadihii ugu dambeyay isaga oo xulka ku hogaamiyay natiijooyin fiican oo uu ugu dambeeyay final-kii Euro 2020.

Laakiin xulka England ayaa sanadkan ku dhibaatoonaya kulamada is reeb-reebka koobka adduunka iyaga oo bar-baro ku dhaafi waayay Xulka Hungary iyaga oo hakiyay fursadohooda u soo bixista koobka adduunka.

Kadib bar-barii xulka England waxa soo baxay warar sheegaya in uu xidhiidhka FA-gu shaqada ka caydhin karo tababare Gareth Southgate kaas oo uu shaki ku jiro mustaqbalka xulka qaranka.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *