0

Xiddiga weerarka uga ciyaara Barcelona ee Sergio Aguero ayaa lagu soo waramayaa in uu ku qasbanaan karo in uu ka fadhiisto ciyaaraha kubada cagta sabab la xidhiidha dhibaato dhanka Wadnaha ah.

Xiddiga ugu goolasha badan Man City ayaa xanuun dhanka wadnaha ah uga baxay kulankii Alaves ee horyaalka la Liga ee bishii hore.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa loola orday Cusbitaalka waxana laga qaaday baadhitaano badan isaga oo haatan garoomada ka maqnaan doona 3 bilood ee soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, Catalunya Ràdio’s ‘El Matí’ show ayaa sheeganaya in xaalada xiddiga reer Argentine ka adag tahay sidii fila filayaya.

Waxana ay intaas ku dareen in uu xiddigu ku qasbanaan karo in uu joojiyo ciyaarista kubada cagta kana fadhiisto ciyaaraha isaga oo 33 jir ah.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *