0

Karim Benzema ayaa seegay tababarkii ugu dambeeyay ka hor kulanka El Clasico ee ay axada la yeelan doonaan Barcelona.

Kaliya laba maalmood ka hor mid ka mid ah kulamada ugu waaweyn xilli ciyaareedka Real Madrid, xiddiga reer France ayaa laga diray tababarka sabab la xidhiidha dhaawac soo gaadhay.

Benzema ayaa dhibaato ka soo gaartay lugta midig intii lagu guda jiray kulankii Madrid ee Champions League ee Shakhtar Donetsk isaga oo gool dhaliyay kulanka oo ay Real ku badisay 5/0.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa awood u waayay in uu dhamaysto ciyaarta waxana laga saaray si looga ilaaliyo dhaawacu inuu sii xumaado waxana uu haatan halis ugu jiraa in uu seego tababarka.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *