0

Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka ee wakhtigeedu dhamaaday Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ka hadlay Shaqaaqadii maanta ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aaden Cadde.

Wasiir Xundubey ayaa sheegay in talaabo sharci ah laga qaadi doono Cidda ay ku cadaato in ay ku lug lahayd shaqaaqada kadib marka uu soo dhamaado Baaritaan uu sheegay in ay dowladda ku hayso dhacdadan.

Si kastaba ha ahaatee gelinkii hore ee maanta ayay aheyd markii Shaqaale ka tirsan waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Ciidamo Nabadsugidd ah uu dagaal gacan ka hadal ah ku dhexmaray gudaha garoonka Aaden Cadde shaqaaqadaas oo saameyn ku yeelatay howl maalmeedkii shaqo ee Garoonka.

Horseed Media


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *