Xasuustaydii Sheekhal baladkii caasimada Shekh Aden Siiro :


Spread the love
Xildhiban Jamal Aden Diriye

Shekh aden siiro waxa
codkiisa igu horaysay sanadkii 1998 aniga oo ah arday dhigta dugsiga hoose ,
waxa aan soo duubtay cajalado ka mid ah cajaladihii Siirada Rasuulka ee uu
sheekhu duubay ee kusoo caan baxay .

Waxa ay igu sameysay
cajaladahaas taxanaha ahaa ee siiradu xiiso badan oo aan u qaaday daarasadda
iyo barashada siirada .

2001 sanadku markuu
ahaa waxa aan ugu tagay shekha masajidkiisa ku yaalay xaafada Xawaadle ee loo
yaqaan Masajidka xawaadle , halkaas ayaa aanu kaga dhagaysan jirnay casharadii
siirada rasuulka ee carfiga iyo saxan saxada udugga leh .

2002 waxa aan mar
labaad ka bilaabay masaajidka  Xawadle
kitaabta Al-addilah arridiyah oo uu akhrin jiray Sh Cabdilahi Xasan Xashi
Barbarawi , taasi waxa ay jaanis kale u noqotay is barashadii iyo is dhex
galkii sheekh Aaden oo ahaa imaamka iyo khadiibka masaajidka .

2003 waxa aan ka mid
noqday dhalinyaro hawl fududeyaal ka ahaa muxaadaroyin xidhiidh ah oo ku
saabsanaa Duullaan Maskaxeedka lagu hayo umadda muslimka , sheekhu waxa uu ka
mid ahaa culimadii soo qaban qaabisay muxaadarooyinka xidhiidhka ahaa , waxa ka
mid ahaa culimadii ka qayb gashay ee soo jeedisay muxaadarooyinka Sh Aden Siiro
, Sh Mustafe Haji Ismaciil haruun, Sh Xasan Cabdisalaan , Sh yassin ibarhim
Cabdi , Sh Axmed iid , Sh barbaraawi ,Sh maxamed cumar Dirir, in badan oo aan.
Soo koobi karin oo ka mid ah culimada waawayn ee Somaliland , waqtigaasi waxa
uu ahaa waqtigii ugu badnaa ee aanu is dhex galnay sheekha marxuumka ah maanta
.

2012 Markii aanu ka
qalin jabinay  Jamacadda waxa uu ahaa
shakhsigii kaliya ee si gaar ii dhiiri galiyey iigu bushaareeyey in uu iga
horeeyo mustaqbal siyaasadeed oo fican lakin bulshada aan ka ilaaliyi
qabyaalada, eexda iyo cudurada bulshadeena aafeeyey, waxa uu sheekhu noo
sameeyey casho sharaf tobankii arday ee ugu sareeyey , waxa uu sheekhu nagu
casuumay  xafiiskiisa laba goor , laba
goorna Mansoor Hotel , waxa uu nagu wareejiyey dhaqaale wanaagsan oo aanu ku
joogno magalada inta aanu nahay shaqo raadiska maadama aanu nahay arday cusub
oo imika uun soo qalin jabisay .

Ardayda uu maalinkas
nagu dhiiri galinaayey sheekhu waxa ay ka koobnaayeen dhamaan gobolada
Somaliland , waxa an ka xasuusta Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir , Oo imika
aanu ka wada tirsanahay golaha wakiilada , maxamed cumar cabdi,Sahal Cabdiraxmaan
iyo hablo iyo rag kale oo badan oo imika aan ogayn qaar badan halka ay ku sugan
yihiin .

Sheekha ilaaahay ha u
naxariisto , waxa uu ahaa tiir ka mid ah tiirarka cadaalada iyo garab istaaga
Xaqqa ah, ilaahay badalkiisa ummada ha usoo buuxiyo , ehelkii iyo qaraabadii ,
umada somaliland haka siiyo samir iyo iimaan saadiq ah .

Xildhiban Jamal Aden
Diriye

Golaha Wakiilada
Somaliland

Hargaysa , Somaliland


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments