0

Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu Sergio Aguero ka fadhiisanayo ciyaaraha kubada cagta sabab la xidhiidha xaalada caafimaadk.

Tababare Xavi ayaa wax laga waydiiyay xaalada Sergio Aguero iyo wararka sheegaya in uu xiddiga reer Argentine ku qasbanaaday in uu ciyaaraha ka fadhiisto sabab la xidhiidha xaalad dhanka wadnaha ah.

Xavi oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan la hadlay maalin ka hor mana garanayo wararka ku saabsan Aguero, waa in aan sugno”.

“Markii ugu dambaysay waxa uu ahaa mid dagan, mana jiraan wararka sheegaya in uu ciyaaraha ka fadhiisanayo sabab la xidhiidha xaaladadiisa caafimaad”.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *