0

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Fabinho ayaa sheegay in isaga iyo Goolhaye Alisson ayna taam u noqon doonin kulanka ay Kooxdoodu la ciyaari doonto kooxda Watford horyaalka premier League.

Liverpool ayaa qaab ku meel gaadh ah u qaban doonta hogaanka premier League hadii ay ka badiyaan Watford kulanka Sabtida ciyaar soo gali doonta duhurka wakhtiga Somaliya.

Si kasta ha ahaatee xiddigaha reer Brazil ayaa seegi doona kulankaas maadama ay wali ku maqanyihiin waajibaadka xulkooda waliba ciyaari doonaan kulan subaxnimada jimcaha 35 saac ka hor kulanka Watford

Isaga oo la hadlaya saxaafada Brazil Fabinho ayaa sheegay in isaga iyo Alisson toona ayna ka qayb qaadan doonin kulanka Watford.

“Waxan u malaynayaa in kulanka Watford in uu nagu noqon doono mid adag, uma malaynayo in aan aniga iyo Alisson toona aan ciyaari doonin kulankaas”.

“Kulanka Uruguay waa subaxda Jimcaha halka Watford noqon doono duhurnimada sabtida”ayuu sii raaciyay.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *