0

Mikel Arteta ayaa qirtay inuu aad uga walwalsan yahay Granit Xhaka ka dib markii ciyaaryahanka khadka dhexe uu ka baxay guushii cajiibka aheyd ee Arsenal 3-1 ka gaartay kulankii London derby ee axadii ay la ciyaareen Tottenham.

Gunners ayaa guul weyn ka gaadhay Tottenham iyaga oo guul gaadhay kulankoodii 3-aad oo xidhiidh ah horyaalka premier League.

Laakiin Arsenal ayaa dhaawac ku wayday xiddiga khadka dhexe ee Granit Xhaka kaas oo dhaawac kaga baxay Ciyaarta daqiiqadii 79-aad isaga oo dareemaya xanuun aad u daran.

Mikel Arteta oo ka hadlaya xaalada Xhaka ayaa yidhi”Nasiib darro dhaawac ayaa soo gaaray aadna waan u walwalsanahay maxaa yeelay hadda uma muuqato mid aad u wanaagsan”.

Warkan ayaa ah mid u xun koxoda Arsenal marka loo eego in uu muhiim u yahay kooxda Mikel Arteta waliba kulamo badan ka maqnaan kara.

Sii Akhriso: Ma Dhacdaa In Uu Nin Kuu Yeedho “Quruxleyda”, Waliba Mar Walba Ma Adeegsadaa Kalmadaas, Hadaba Halkan Kaga Bogo Waxa Uu Uga Jeedo & Macnaha Ay Leedahay.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *