0

Dhibaatooyinka dhaawacyada ee Manchester City ayaa sii kordhaya ka hor todobaad muhiim u ah kooxda waliba ay ciyaari doonaan kulamo waaweyn iyada oo la sheegayo in uu Ilkay Gundogan noqday xiddigii ugu dambeeyay ee dhaawacmay.

Tababaraha City Pep Guardiola ayaa si maldahan u sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Germany ku dhibaatoonayay dhaawac intii lagu jiray kulankii 0/0 ku dhamaaday ee ay la ciyaareen Southampton.

Man City ayay mar horeba ka maqnaayeen xiddigaha John Stones, Aymeric Laporte, Rodri iyo Oleksandr Zinchenko kuwaas oo kooxda uga maqnaa dhaawacyo kala duwan.

Kooxda Man City ayaa ciyaari doonta kulamo adag iyaga oo todobaadka dambe la ciyaari doona kooxaha Chelsea iyo PSG ka hor inta ayna booqan kooxda Liverpool iyada oo kulamadaas dhamaantood iman doonaan 9 maalin gudohood.

Sii Akhriso: Daraasad Lagu Ogaaday Sir Cajiib Ah Oo Kordhisa Quruxda Gabadha In Ka Badan Waxyaabaha La Isku Qurxiyo, Xitaa Ragga Ayaa U Waaja Dumarka Sidaas Sameeya.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *