Xukuumadda Ruushka oo xabad joojin ku dhawaaqday.


Spread the love

Moscow-KNN-Qoraal kooban ay soo saartay Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayey ku dhawaaqday in ay xabbad joojin ka sameysay magaalooyinka go’doonsan ee Ukraine si shacabka uga baxaan goobahaas dagaalka ka socdo.

Magaalada dekada leh ee Mariupol ayaa kamid ah meelaha shacabka loo ogolaaday in si nabad ah uga bixi karaan, arrintan ayaana qeybka ah heshiis Ruushka iyo Ukraine oo ahaa in dadka loo furo meelo ay ka bixi karaan.

“Maanta, bisha March 5, laga bilaabo 10am ee subaxnimo ee waqtiga magaalada Moscow, Ruushka wuxuu iclaamiyay in shacabka loo furo meelo ay kaga bixi karaan magaalooyinka Mariupol iyo Volnovakha,” sidaa waxaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Ruushka.

Ma jiro ilaa iyo hadda dhanka Ukraine wax war ah oo arrintan ku aadan sidoo kalena lama sheegin inta ay qaadan doonto xabbad joojinta loo sameeyay arrimaha bani aadanimada.

Dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine ayaa galay maalintii 10 aad waxaana jira in khasaare xoogan uu soo gaalay labada dhinac haba ugu sii darnaadaane shacabka Ukraine.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in hal milyan oo qof dad kor u dhaafaya oo reer Ukraine ah ka qaxeen dalka kuwaas oo galay dalalka deriska ah oo ay kamid tahay Poland.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments