Xukuumadda SomaliyaOo Qaramada Midoobay Kala Hadashay Taageerida Hay’addaha Garsoorka Dalka


Spread the love

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Garsoorka Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan gaar ah layeeshay ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay ee jooga Soomaaliya, gaar ahaan UNSOM iyo UNDP.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dar-dargalinta iyo mideynta dadaalada ay wadaan deeq-bixiyaasha sida gaarka ah u taageera hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya.
Ugu dambeyn, iyada oo la eegayo xiriirka iyo iskaashiga Bahda Cadaaladda iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee jooga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa taageera ha’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana la isla gartay in la laba jibaaro dadaallada lagu tayeynayo hay’adaha caddaaladda guud ahaan ee dalka.

Kulanka Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Garsoorka Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji uu la qaatay ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ku wehlinaayay Agaasimaha Guud iyo qaar ka mid ah Lataliyaasha Wasaaradda Cadaaladda.


Like it? Share with your friends!