0

Guushii uu xulka qaranka Brazil kaga gaadhay xulka Colombia garoonka Arena ee Sao Paulo habeenkii Khamiista ayaa la macno ah in ay xaqiiqsadeen booskooda wareega Group-yada ee koobka adduunka.

Xulka Brazil ayaa kaalinta 1-aad kaga jira kala saraynta is reeb-reebka Conmebol iyaga oo hogaaminayay tan ilaa markii uu bilowday is reeb-reebku dhibco badana ka horeeya xulka Argentine.

Xulka Brazil ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee qaarada South America xaqiiqsaday booskooda wareega Group-yada tartanka koobka adduunka oo la qaban doono sanadka dambe ee 2022.

Gool uu dhaliyay xiddiga Lucas Paquetá kaas oo uu caawiye ka noqday xiddiga Neymar ayaa xulka Brazil ka caawiyay in ay goostaan tigidhkooda koobka adduunka ee sanadka 2022.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *