Yaa U Bixiyey Sayid Maxamed Cabdille Xasan Naanaysta ‘Wadaadkii Waalaa (Mad Mullah)’?


Spread the love

Qoraa Prof. Siciid S. Samatar, wuxuu buugiisa

Dhawr
doodood ayaa jira oo meello kala duwan ku sheegaya ciddii asal ahaan naanaysta
bixisay. Waxa aynu soo bandhigi doonaa doodahaasi iyo kuwa ugu miisaanka culus
ee wadata caddaymaha la cuskan karo:

=
Qoraa Aw Jaamac Cumar Ciise ‘AHN ’,wuxuu buugiisa taariikhda Daraawiishta iyo
Sayid Maxamed Cabdille Xasan (1976), ku sheegay in Sayidku markii uu Berbera ka
soo degay uu Ingiriisku weydiiyey canshuur oo uu diiday, ka dib uu isku dayey
inuu xidho. Markaasuu turjumaankii Ingiriisku ka maslaxay oo uu yidhi inaga daa
waa Wadaad waalane. Sidaasi ayey naanaysta wadaadkii waalaa (Mad Mullah) ay ku
timid. Hasayeeshee Aw Jaamac muu soo bandhigin tixraac sugan, aan ka ahayn dad
lagu kalsoon yahay.

=
Qoraa Prof. Siciid S. Samatar, wuxuu
buugiisa Oral Poetry and Somali Nationalism (1982), ku sheegay in markii Daraawiishta lagu soo
jebiyey dagaalkii Jigjiga 1900 ee ay dib u soo gurteen, wuxuu Cali Jaamac Haabiil
curiyey gabyagiisii ‘ Maxamed Waal ‘, taasi oo noqotay naanaysta aan hadhin ee
lagu xusuusto Sayidka. Waxa kale oo meel kale ku sheegay in reer Berbera ay
Wadaad Waalaan u bixiyeen markii uu bilaabay inuu aragtidiisa diineed ku
faafiyo Berbera iyada oo aanay reer Berbera aqoon. Tixraacu waa cilmi-baadhis
iyo daliillo gabayo ah.

= Qoraa
Abwaan Axmed Aw Geeddi, wuxuu buugiisa Hortay Jire (2022) ku sheegay in
sannadkii 1899-kii uu Sayidku weeraray magaaladda Sheekh, waxaanu gubay
xaruntii dariiqada Axmadiyda. Waxaanu kaxaysta wixii xoolo meesha joogay. Gabay
uu Cali Jaamac Haabiil tiriyey, ayuu ku yidhi” Suufi waalan baa noogu yimi,
saba Nugaaleed e. sayn iyo wixii qoob lahaa, naga sabooleeye. ” naanaysta ku
jirta ee SUUFI WAALAN waxba kagama duwan Wadaad Waalan.

=
Buugga Taariikh iyo Maansooyin, ee laga qoray Abwaan Qamaan Bulxan (1985) ayaa
lagu sheegay in gabayga uu ku jiro Maxamed Waal uu tiriyey Qamaan Bulxan,
sidaasina uu ku baxay magacani. Tuduc ka mid ahi waa ” Maloow been haddaan
Maxamed Waal moodnay nebgii.” Hasayeeshee Gabaygaasi waxa laga xaday Abwaan
Cali Jaamac Haabiil ayuu leeyahay buugga‘Hortay Jire ‘, waayo gabayda Cali waxa ay qoraal la’aan ahaayeen in ka
badan 100 sanno ayuu buuguu sheegayaa. Sidoo kale dhawr buug ayuu soo xignayaa oo
gabaygaasi ku sheegaya inuu Cali Jaamac Haabiil ahaa.

Cali
Cabdi Coomay

Suxufi,
qoraa ah.

Hargaysa,
Soomaalilaan

[email protected]

Tixaac:
Abwaan Axmed Aw Geeddi, Hortay Jire (2022).


Like it? Share with your friends!