Yukrayn Iyo Ruushka Taariikh Isku Murugsan Muddo Qarniyo Ah


Spread the love
WQ/Rashiid Odowaa                                                   

Waxa
wiiggan Gudihiisa ay xukuumaddu ruushku weerar ku qaadday dalka Yukrayn oo dadka
ku noolli yihiin 77.8%Ukranian halka 17.3% yihiin dad Russian ah inta soo
hadhayna waa dadyow kale haddaba aan dib ugu yara milicsanno taariikhda ay
wadaagaan labadan waddan ee hore u wada ahaa Midowgii Sovieti iyo halka ay
Colaaddu salka ku hayso.

Labadan waddan waxay
wadaagaan taariikh dheer oo isku murugsan oo ku siman muddo 1000 sano ah waxa
jirtay wakhti ay Caasimadda Maanta Ukraine Kiev ay u wada ahayd Caasimad iyagoo
labada waddan isku yihiin (Slavic state) 988 CD xilligaa uu dalka Xukumayay Vladimir (1) weeraro badan oo ay ku soo
qaadeen Mongoliankii,Lithuawninan iyo polishkii waxay noqotay  Yukrayn in loo kala qaybiyo Gobollo, oo qayb
waxa loo bixiyay dhinaca bidix ama bari ee Yukrayn waxa xukunkeeda gacanta ku
dhigay Ruushanka qaybta Galbeed waxa qabsatay Poland

Qarnigii 19aad 1793kii
bilowgiisii ayuu Ruushku qabsaday dhinac galbeed ee Yukrayn waxa uuna ruushku Masaxay
dhaqankii iyo hidihii ay lahaayeen dadka reer Yukrayn isagoo rabay
Siyaasaddiisii Ruushaynta waxa uu mamnuucay in lagu hadlo luqaddii Yukrayn
waxana dadka lagu khasbay inay afka ruushka bartaan ayna qaattaan mad habta
Orthodoxka.halka markii hore ay ka ahaayeen Chatolic

 Markii uu dalka ka Curtay Kacaankii Ruushka
1917kii Yukrayn waxay ka mid ahayd meelo badan oo ka hor yimi mabda’aas shuuciga
Hantiwadaagga oo aan raalli ku ahayn iyagoo gooni u goosad rabay hase yeeshee
waxa ku dul dhismay Midowgii Soveyeeti 1922kii.

1930kii waxa dadka Reer
Yukrayn aan ka bixin wali Cuqdadii iyo Ciilkii uu mariyay  hoggaamiyihii kali taliska ahaa Ee Joseph Stalin waxa dadka kala wareegay
Beerohoodii waxanu ku khasbay inay khasab wax ku beeraan waxa iska leh waxa soo
go’a kacaanka shuuciga  si hadhuudhka ay
beeraan loogu quudiyo Ciidanka Midowga Sofiyeeti ee ka dagaalama furimaha iyo
dalalka uu gacansaarka la leeyahay qofka reer Yukaryn umuu heli jirin fursad uu
ku quudiyo naftiisa iyo qoyskiisa shaqada oo ahayd 24saacadood qofka ka hor yimaadda
waxa uu ahaa dal dalaad  waxay u yaqaanan
reer Yukrayn Xasuuqii (Holodomor) oo ah macnaha dhimashadii gaajada

  Waxa
taasi keentay inay macaluul u dhintaan Saddex milion reer Yukrayn ah.waxa ay
dadka reer yukrayn in badan ku taamayeen mar uun inay ka hoos baxaan Ruushka oo
Maraykan iyo reer galbeed xidhiidh la yeeshaan waxase caqabad ku ah Gobollada Crimea iyo Donbaska (Luhanski iyo
Donaski) oo iyagu u janjeedha dhinaca Ruushka dadka dhulkan ku nool badankoodu
waa Ruush.

Markii Haddaba uu Bur
buray Midowgii Soofiyeeti 1991 Yukrayn waxay noqotay Waddan Madax banaan lakiin
Midnimadii waddanka waxay noqotay shaqo adag waxay markaa noqotay in dadka
bariga Yukrayn inaanay noqonin dad daacad u ah waddanka halka dadka Galbeedku
ay ka go’antahay inay ka fogaadaan Ruushka iyo wuxuu cago ku qaatoba.”dareenka waddanimo kuma xeel dheera xagga
barigu sida ay yihiin Qolada galbeedku
”sidaa waxa yidhi safiirkii hore u
joogay waddanka Maraykanka “Steven pifer
markaas wuxu u jeedaa Gobollada Crimea
iyo Donbaska (Luhanski iyo Donalski).

Sidaas darteed markii
uu 2014kii bilaabmay kacdoonkii Hurdiga ahaa ama “kacaankii sharafta” ee Ruush
nacaybka waxa lagu riday Madaxweynihii u janjeedhay dhanka Ruushka ee Victor yanukovij ka dib markii uu ruudhka
la galay heshiis u ogolaanaya in ruushku muddo 25sano ah isticmaalo Badda Madaw
madxweynihii yukrayn waxa uu firxad ku galay Ruushka, markaas ka dib ayay
Ciidanka Ruushku soo galeen Crimea uuna u aqoonsaday dal madax banaan wakhtigan
hadda ah waxa uu aqoonsaday Gobollada Donbaska (Donalski iyo Luhanski) halkaas
oo markiiba Ciidankiisu soo galeen.

Isku soo wada duub
dadka reer Yukrayn intooda badan marka laga reebo qolyaha Bariga ayaa Doonaya
inay maalin maalamaha ka mid ah Noqdaan waddan Dimoqraaddi ah oo ku biira Yurubta
Galbeed iyo Gaashaan buurta NATO waddamada reer Galbeedku waxay u arkaan waddan
Yurub ah oo xaq u leh inuu ku biiro NATO Ruushku wuxu isagu arkaa inay Ukraine
iyo Ruush yihiin dad isku mid ah oo aan la kala saari Karin

Madaxweyne putin ayaa
isagu ku doodaya inuu ka sifaynayo Yukrayn Naziga Cusub ee Soo galay uuna
difaacayo danihiisa,isla markaana wuxu diiddanyahay in Nato saldhigyo ka
samaysto waddan jaarkiisa ah oo isagu arko inuu ka mid yahay dalkiisa

Waxa isguna mabda’iisa
ku adkaysanaya madaxweynaha Yukrayn  ee
hadda talada haya Vladimir Selaniski iyo dadkiisa oo u janjeedha dhanka Reer
Galbeedka ayaa ay ka go’antahay inuu waddankiisu madaxbanaanidiisa sii wato.Waxan
la saadaalin Karin dagaalka uu wakhtigan ku qaday Vladimir Putin ee ciidanka
ruushku ku galeen yukrayn waxa laga cabsi qabaa inuu dagaalku daba dheeraado
isla markaa uu bato khasaarihiisa iyo Saamayntiisu.

Tixraac

 By Eve Conant 21 feb 2022

 

Rashiid Odowaa

[email protected]

063-4101213


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments